Madaxweyne Shariif Oo Ku Qancinaya Farmaajo Xukuumadiisa Laka Diro Si Loo Dhameeyo Qilaafaadka Ka dhaxjira Hogaanka TFG-da

0
237

بسم الله الرحمن الرحيم

Sidii ku soo waramayo wariyaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com ee ku sugan Magaalada Kampala ayaa soo sheegaya in kulan gaar ah ay leeyihiin Madaxweyne Sharifka Soomaaliya iyo R/wasaaraha Soomaali Ameerikaanka Farmaajo waxaana kulankaasi lagaga hadlayaa arimo ku Aadan sidoo loogu qancin lahaa Farmaajo in xukuumadiisa laka diro isla markaana la soo magacaabo xukuumada cusub oo mudo sanad ah shaqeysa

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in Farmaajo uu ka madax adeegayo Baneenta Kursiga R/wasaaronimo si loo dhameeyo khilaafaadka u dhaxeeya labada Shariif oo xalkeeda Loo arkay in xukuumada Farmaajo Daaqada laga saaro islamarkaana la soo magacaabo xukuumad Cusub xilalna laga siiyo wasiiro cusub oo taabacsan siyaasada Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan

Si kastaba ahaatee waxaa la ogaan doonaa sida Farmaajo uu u aqbalo soo jeedinta Madaxweyne Shariifka Soomaaliya isagoona shalay si kulul u calaacalay

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)

Wararka Soomaaliya