Wasiirka Wasaarrada Maaliyada xukukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta tagay xarunta Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeyntii ay dhawaanta soo jeediyeen guddiga Maaliyada.
Wasiirka ayaa sheegay in lacag 50 milyan ah oo uu Sacuudigu soo dhiibay aysan ku soo dhicin Bankiga dhexe isaga oo intaa ku daray in lacagtaa ku dhacday Banki ku yaalla Turkiga, halkaasoo uu xusay in laga maamulay.
“Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, waxaana nagula xiray 14 qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo, guddigu waxay ahayd in ay anaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, anagaa ku jirna ceelka guntiisee, Arintaan waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka ayaa dhinaca kale shegay in ay u dhacday lacagihii shaqaalaha, sidoo kalena aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala gashay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda in ay ku heystaan in uu u fuliyo mashruuc, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid mala awaal ah.
Warbixinta gudiga Maaliya ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhalatay dood adag oo ay ku kala aragti duanyihiin xildhibaanada Golaha waxa ayna xukuumada ku tahay dhabar jab weyn.











