Al Shabab oo xilka ka qaaday Guddomiyihi gobolka Hiiran magacawdayna ninkii lagu badalay.

0
650

Shabab-LogoXafiiska siyaasada iyo xiriirka gobolada ee Xarakada Al-shabaab ayaa isbedel ku sameeyey maamulkii ugu qaabilsanaa gobolka Hiiraan.

Waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas, waxaana loo magacaabay xilkaas nin magaciisa lagu sheegay Shiikh Maxamed Mire.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan lagu qabtay munaasabad balaaran oo labada masuul ee la isku bedelay ay xilalka ku kala wareegayeen.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha bulshada degmadaas sida waxgaradka, ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee Al-shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa sheegay inuu shacabka gobolka uga mahad celiyey sidii ay ula shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey, isagoo ugu baaqay iney sidaa si la mid ah ula shaqeeyaan masuulka cusub ee xilkaas la wareegay.

Sheekh Max’ed Mire gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ugu qaabilsan Al-Shabaab oo isna hadlay ayaa shacabka ka codsaday in ay ku garab galaan xilka loo dhiibay oo uu sheegay inuu yahay mid aad u culus.

Xoogaga Al-shabaab ayaa bilowgii sanadkii hore lagala wareegay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Itoobiya oo taageeraya kuwa dowlada Somalia, hase ahaatee waxay weli gacanta ku hayaan degmooyin ka tirsan gobolkaas oo ay ka mid yihiin Buulo-burde, Jalalaqsi iyo degaano kale oo badan.