Dad gaaraya boqolaal rayid ah oo isugu jira ardey shaqaale dawladeed iyo kuwo iskood u shaqeysta ayaa lagu soo qab qabtey hawlgalka indha la’aanta ah ee ay la timid xukuumada waqtigan jirta ee uu hugaamiyo dr saacid.
Dadkan oo u badnaa ardey wax ka barata jaamacadaha iyo dugsiyada muqdisho oo qaarkood imtixaano u socdeen ayaa si indha la’aan ah loo soo raafey leysuguna keeney xarunta c i d,halkaas oo ay isugu soo urureen waalidiinta iyo ehelada dadka la soo qafaashey,iyagoo dabajooga caruurtooda mid kamid ah waalidiinta oo aan wax ka weydiiney waxa keeney meesha isagoo ku sugan derbiga xarunta C I D da ayaa noo sheegey in wiilal uu dhaley laga soo qafaashey madax furashana la weydiistey,mana sheegin inta ay la egtahey lacagta la weydiistey,hase yeeshee waxaan muran ka jirin in meesha wax kala iibsi ka jirey uuna fahmi karey qof kasta oo caqli u saaxiib ahi.
Waa xad gudub loo geysanayo dadka shacabka ah waxaana ka dhalan kara caro iyo naceyb loo qaado dawladnimada ayuu yiri gudomiye kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic oo aan isna kula kulaney banaanka hore ee xarunta C I D,qafaalkan iyo xir xirida ardeyda iyo dad kale oo aan waxba galabsan ayaa kusoo beegmaya xilli habeen hore madaafiic lagu garaacey madaxtooyada soomaaliya oo hooy u ah m/weynaha soomaaliya iyo madax kale.




