Puntland Oo 13-Ruux Xukun Toogasho Ah Ku Fulisay,Iyo Mid Ka Mid Ah Askartii Toogashada Fulineysay Oo Isla Goobta Ku Geeriyooday.

0
370

13 Ruux Ay Maamulka Puntland Ku Sheegeen In Ay Ka Tirsanayeen Al-Shabaab ayaa maanta dil toogasho
ah Lagula Fuliyey Magaalada Bosaaso Ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Qaar ka mid ah
dhalinyarada maanta dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa
loo haystey dilkii Dr.Axmed
Cabdiraxmaan oo 5/12/2011
lagu diley magaalada Bosaso,Iyadoona
Dhalinta dilka lagu fuliyey Qeyb Ka ahayd Gabar lagu
magacaabo Ruqiyo Xassan Maxamed Yusuf.

Qaar kamid ah dhaliyarada dilka
lagu fuliyey ayaa horey Maxkamadda ciidamada qalabka
sidaa ugu xukuntey dil, taariikhdu markey ahayd 27
Feberaayo 2013 Waxaana qaar kale Ay dil ku xukuntey
Maxkamadda Darajada kowaad,
waxaana lagu eedeeyey in ay
dileen, Culimo, Xildhibaano,
Saraakiil, Qaadiyaal iyo dad kale.

Sidoo kale Waxaa jiro
askari ka tirsanaa ciidamadii dilka fulinayey Kaa Oo Isna goobta ku
geeriyoodo, kadib markii ay ku
dhacdey xabadiihii lagu ridaayey
dhalinyarada dilka lagu xukumey Iyadoona Askarta toogashada fulisey ay ahaayeen Saddex saf oo kala danbeeya,
kuwo dhulka dhabacan, kuwo
jilibka laabtey iyo kuwo taagan,
waxaana la filayaa in askarta
taagan rasaastoodi ay haleeshay
mid ka mid ah askarta Jilibka
dhigtey.

Waxaa weli Xabsiyada Puntland
ku jira dhalinyaro badan oo ku
eedaysan falal dil ah in ay ka
fuliyeen Puntland Kuwaa Oo La Shaqeynayey al- Shabaab Sida Ay Sheegeen Madaxda Puntland.