Ciidamada Amaanka Oo Maanta Bandow Ku Soo Rogay Isu Socodka Wadooyinka Muqdisho Iyo Shacabka Oo Cabasho Ka Muujiyey.

0
568

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Ayaa Saakay Waxa Ay La Soo Tooseen Iyadoo Ay xirntahay inta badan
waddooyinka magaalada
Muqdisho
hawlbowlaha u ah isu socodka,
waxaana jidadka loo oggolaa oo
keliya dadka lugeynaya, kuwaas
oo isgosyada lagu soo baarayey,
Iyadoona jidadka laga celinayey gaari dameerada
biyaha dhaamiya ama alaabaha
kala duwan lagu Xamaala.

Dadka Ayaa Subaxnimadii hore ee saakey isweydiinayeen
wefdiga imaan doonaa
Muqdisho oo la filaayey in wefdi
heer sare ah jidadka loo xirey waxaana La Sheegay in uu jiro xaalad
feejignaan ah kadib markii Dolwaddu ka war heshey in
weerar al-shabaab soo awaawushey ay doonayaan in ay
fuliyaan, kaas oo ay ku beegneyd maalintii la diley
Aadan Xaashi Cayrow 1 May 2008,
maalinta ku xigta May 2, ayaa iyadana ah maalintii la diley
Hoggaamiyihii shabakada al_
Qaacida Shiikh Usaamah Bin
Laden, taas oo dhacdey sanadkii
2011, waxaana lagu yaqanay in ay
dagaallo iyo weeraro ku xusaan.

Howlgalkaani Ayaa Waxaa Ka Hadalay Wasiir ku xigeenka warfaafinta
Xukuumadda federaaliga ah Isagoona saxaafadda u sheegey in howlgalka culus ee maanta Muqdisho ka bilowdey uu yahay
mid amniga lagu Adkeynayo.