Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka...
Ciidamada Booliiska dalka Masar ayaa xiray 14 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaa oo laga soo qab qabtay xaafaddo ku yaalla degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.
Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku...
Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Soomaaliya kuwaa oo hor dhac u ah wafdiga oo hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in maanta oo Isniin ah gaaraan magaalada Hobyo.
Madaxweynaha oo maalmihii ugu danbeeyayba socdaal ku marayay deegaanno kala...
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xuska munaasabadda Sannad-Guurada 45-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.
Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ururadda Warbaahinta sidda Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka, guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, madaxda NUSOJ, iyo Madaxda ururrada...
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kabul ee dal Afghanistan.
Dagaalyahanno dhowr ah ayaa galay gudaha hotelka Intercontinental iyagoo si aan kala sooc lahayn u tooganaayay shaqaalihii hotelkaasi iyo dadkii martida ahaa ee halkaasi joogay.
Weerarkan ayaa ah mid...
Ilaa 17 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee G. Sanaag sida ay sheegayaan wararka hordhaca ee degaankaas kaga helayo.
Dagaalkan oo joogsadey maqribkii ayaan si sax ah loo hayn khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay, waxaase la sheegayaa in dhaawac aad u badan...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaala Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka baxaya degmada Caabud-waaq oo ay xalay ku hoydeen, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in uu xerga ka jari doono dhismaha dekadda magaalada...
Labo ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ka qaraxday goob qashin yaalay oo aan sidaasi uga fogeyn xarunta...
Warar soo baxaya ayaa sheegyaa in ciidamo xoogga oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya la wareegeen xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, kuwaa la sheeegay in ay sugayaan Amniga xarunta.
Ciidamada la wareegay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa isugu jira Nabadsugid iyo Ciidamada gaarka ah ee dowladda.
Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii...
Wararka ka soo baxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ah kuwa yar ay isku dhaceen.
Wararku waxaa ay sheegayaan in shilkan uu yimid kaddib diyaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ay ku dhacday diyaarad kale oo kuwa shacabka raacaan oo ku sugneyd garoonka...


















