Mareykanka ayaa sidii oo horay uga dhawaaqay Donald Trump ayaa maanta u raraya saafaradiisa Talviiv magaalada Qudus ee dhulka Falastiiyiinta.
Tiro badan oo dadka reer Falastiin ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Qudus oo maanta lagu wado in uu safaarad ka furto Mareykanka,waloow ay jiraan muran ku aadan tallaabadaasi...
Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.
Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas,...
Xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Jubbada Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay muuqaalka sarkaal sida ay hadalka u dhigeen ka soo goostay maamul gobolleedka Jubbaland.
Sarkaalka la soo bandhigay oo lagu magacaabo Xassan Kheyre Xusseen ayeey sheegeen Al-shabaab in uu ka mid ahaa ciidamada Jubbaland ee tababarka ku soo qaatay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa labo cisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dooxa ku soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka iyo Isgaarsiinta dowladda Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti,...
Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood maalintii shalay halkaa gaaray.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgali doona maanta madaxweynayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxeynaha Galmudug...
Doomahan ay ku deeqeen qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa la bilaabay in lagu soo samatabixiyo qoysaska ku dhax go’doonsan xaafaddaha ay daadadku ku dhufteen.
Biyaha ayaa hadda ku socda xaafaddo ay markii hore taariikhda inta la xasuusto aysan gaarin, waana fatahaadii ugu cusleyd oo ay martigaliso magaalada Beledweyne...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta oo Axad ah booqasho rasmi ah ugu anbabaxaya dalka Qatar sida ay Hiiraan Online sheegeen ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada Soomaaliya.
Wareys ay maamusho dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in madaxweyne uu la kulmi doono Emir Sheikh Tamim...
Waxaa ka soconaya dalkaasi Faransiiska baaritaan la xiriira dacwad ka dhan ah argagixisada kadib markii uu nin mindi ku hubaysani uu toorriyeeyey dad marayey waddo kutaal badhtamaha magaalada Paris.
Emmanuel Macron madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in mar kale dalka Faransiisku uu difaacay dhiigiisa balse aysan dib u guranayn oo aysan...
Inta la xaqiijinayo ilaa 8 qof ayaa ku geeriyootay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Indonesia ee Surabaya.
Weerarradan ayaa waxaa fuliyay rag isku soo xiray waxyaabaha Qarxa sidda ay xaqiijiyeen laamaha Ammaanka.
Saraakiil u hadashay dowladda...
Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay waxaa maalintii shalay dib ugu laabtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo waayadii ugu danbeeyay ka maqnaa.
Magaalada ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabada kulan lagu wado in ay halkaa ku yeeshaan madaxda maamul gobolleedyada dalka ka dhisan, kaa oo looga...


















