Sunday, November 8, 2026
Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhow yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas. Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7,...
Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ka baxsanayay dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caad oo iska horimaad uu ku dhaxmaraay xoolo dhaqato iyo Al-shabaab. Maalintii shalay ayeey aheyd markii dagaal u dhaxeeyay shacab iyo A-shabaab wuxuu ka...
Kulan looga hadlayay dardar-galinta Amniga magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo xubno kale. Inta uu...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, waxaana magacaabistan ku jira shaqsiyaad ku cusub golaha lagu soo daray. Maalmahan dambe ayaa warbaahinta waxa ay aad u hadal heysay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu wado qorshe uu isku shaandheyn ugu...
Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jabhada ONLF in muddo ahna u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii dhawaan la sii daayay. Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee...
Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa xilkii taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool u kala sareejiyey Taliyihii hore iyo ku xigeenkiisii. Xilwareejintan oo ka dhacday xarunta qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa waxaa ka hadlay Taliyihii xilka Wareejinayey G/sare C/risaaq Maxamed Faarax oo sheegay in uu maanta si buuxda xilkii ciidanka uu ku wareejiyey...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad uu soo saaray wuxuu amar ku siiyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka xoolaha heesta ee xoolahooda magaalada u soo daaqsima taga. Duqa Muqdisho ayaa Taariikhda amarakan uu soo baxay oo ah 03-da July...
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxa uu xarunta madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf guddigii qaban-qaabada munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo. Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goobta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada, oo uu hormuud u ahaa wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamada ka tiran Booliska Kenya shalay gelinkii dambe lagula eegtay deegaanka Lafey oo hoos-yimaada degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Wararku waxaa ay sheegayaaan in  in qarax miino uu tuulada Sheekh Baroow ku qabsaday mid ka mid...