Monday, November 9, 2026
Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, isagoo dhinaca kale ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay dowladda dhexe oo ay ugu danbeeysay taliyeyaashii dhawaan lasoo magacaabay.   Madaxweynaha oo ay garoonka kusoo dhaweeyeen...
Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, islamarkaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka. Xildhibaanadan golaha Guurtida ayaa ku dooday in golahoodu awood u leeyahay inay ilaaliyaan Diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda,...
Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan. Maxaabiistan ayaa u xidhnaa arrimo argagixiso, hasse ahaatee waxaa ay sheegeen inay  ka dhamaatay mudadii lagu xumay, inkastoo xafiiska xeer ilaalintu ku dooday in aanu mudadoodu...
Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga. Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, hasayeeshee waxaa la saadaalinayaa in ay sare u kici karto tirada dhimashada. Booliska ayaa...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Cismaan Saalax. Marti sharafkan oo uu goob jog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed,...
Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Axmed Cali Xaashi wuxuu u sheegay warbaahinta marka uu kulanka soo dhammaaday in doorashada ay u dhaceyso nidaamka beelaha ee...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari Taliyaha ayaa uga digay in askarigu ciqaab ku mudan doono diidmada sharcigan ilaalinaya xaquuqda qofka bani’aadamka. Isaga oo dhinaca...
Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti. Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Cismaan Saalax iyo wafdi uu horkacayo oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka,...
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo in ay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Warbixin cusub oo ay soo saartay QM...
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed. Waa markii labaad ee ra’iisal wasaaruhu uu ka hadlo xaalada deegaanka todobaad gudihii, wuxuu-na sheegay in uu aad uga xumaaday rabshada iyo bur burka...