Kulliyadda cilmiga Beeraha oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee Jaamacadda Benadir ayaa u dabaaldegtay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay xaflad arintaas la xiriirta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay hoygga uu ka degan yahay madaxtooyada Soomaaliya ku oo dhaweeyay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha lagu...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay degmada Dagaal culus uu ka dhacay dagaalka oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday markii xoogag ka tirsan Al shabab ay saddex jiho ka soo weerareen degmada waxayna dadka deegaanka...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).
Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi...
Golaha deegaanka degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa duqa degmada iyo guddoomiyaha golaha u doortay, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ah ganacsade iyo xildhibaan hore.
Doorashadan oo billaabatay saacadihii hore ee maanta ayaa waxaa ku tartamayay labo musharrax oo qura, iyadoona ay goob-joog ka ahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.
Musharraxa...
Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wada hadalo xiisada lagu qaboojinayo ayaa ilaa iyo xalay lagu waramayaa in magaalada ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka iyo...
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qalab ay ganacsatada u qaybin doonto oo ay kala socon doonto adeega ay bixiyaan iyo cashuurta ku waajibtay.
Mashiinadan waxa loo qaybin doona in ka badan boqol hoteel, kuwas oo lagala socon doono cashuurta ku waajibtay adeegyadda ay hoteeladdu bixiyaan sida uu sheegay wasiirka...
Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa lagu soo oogay eedo musuqmaasuq, Philomena Mwilu waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee ololaha musuqmaasuq la dagaalanka ah ee uu wado dacwad oogaha guud ee cusubi uu gaadhay.
Waxa laga qabtay xarunta Maxkamadda Sare gelinkii dambe ee Salaasadii, hase...
Tan iyo markii ay dhaceen rabshadihii siyaasadeed ee keenay in ay dhacdo xukuumadii hore ee dowlad deegaan-ka, waxaa si is daba joog ah u soo baxayay warar sheegayay in dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya dabacsan tahay in la kala diro gabi ahaan-ba ciidamada Liyuu Booliiska ee ka howlgala dowlad...
Kulanka oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay hareer-martay hannaankii awood –qeybsiga 4.5 kuna tumatay sida ay hadalka u dhigeen xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowladda dhexe.
Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in madaxda...


















