Monday, November 9, 2026
Wararka ka imanaya deegaanka Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dadka deegaanka waxaa qaraxa lala eegtay  gaari nuuca raaxada ah oo Prado loo yaqaan oo uu watay nin ku lebisan...
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, kaddib markii lagu soo eedeeyay dacwado ka dhan ah bani’aadanimada. Xildhibaankan ayaa la xiray bishii la soo dhaafay, kaddib markii uu rasaas ka dhex riday gudaha Barlamaanka, kaddib markii ay murmeen Xildhibaan ka tirsan...
Iyadoo wali la hadal hayo islamarkaana dood weyn uu ka taagan yahay kiiska dilkii wariye Jamaal Khashoggi oo bishii hore lagu dhaxdilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada  Istanbul dalka Turkiga  ayaa markii ugu horeysay arintan waxaa dareenkooda ka muujiyay wariye-yaal Soomaaliyeed. Koox Weriyayaal ah ayaa isugu yimid barxadda xarunta warbaahinta Goobjoog...
Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed...
War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa lagu beeniyay warbixintii CIA da Mareykanka ee la xiriirtay dilkii Wariyihiin u dhashay dalka Boqortooyada Saudi Arabia ee Jamaal Khashoggi. Hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan kaddib ay ogaadeen in...
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad , Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada...
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ah ku-simaha madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo ku kooban 15 xubnood. Guddigan ayaa markii la magacaabay kaddib waxaa la horgeeyay fadhiga xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna ku ansixiyay cod aqlabiyad ah. Gudigan oo badali doonaan xubnihii horey isku casilay...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto. Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka  sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada  hadalo kula qaatay Amb Donald Yamamoto. Danjiraha cusub...
Hogaamiyeyaasha wadamada Qaaradda Afrika ayaa shir muhiim ah uga furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya. Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda  Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray dalka Itoobiya  ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka madaxda Afrika...
Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay looga digay in marnaba wax is hortaag ah ku sameyn xoogagga ku abtirsada Daacish ee howlgalada ka wada gudaha dalka Soomaaliya. Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ka dagaalanta Syria oo lagu magacaabo Al-Naba ayaa waxaa lagu soo daabacay in hogaamiyayaasha sar...