Tuesday, November 10, 2026
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa golaha ammaanka kula taliyay in howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu joogteeyo heerka ay hadda ku shaqeeyaan illaa dhammaadka sanadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP Talaadadii shalay. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa...
David Bennett oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee lagu tallaalo wadne Doofaar ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka. Ninkan oo laba bilood ka hor lagu sameeyey qallin loogu geliyey wadne Doofaar ayaanay dhakhaatirtii gacanta ku haysay faahfaahin sababta dhimashadiisa, iyagoo sheegay in xaaladiisu soo xumaanaysay maalmihii ugu dambaysay, ugu dambeyna uu...
Kadib duulaanka Ruushku ku qaaday waddanka jaarkiisa ee Ukraine, waxaa aad u faafay dareenka laga qabo in dowlaha China, ay jasiirada Taiwan ka qaado talaabo millateri oo la mid ah ta Ruushka, inkasta oo dowlada China ay sheegtay in Taiwan anay Ukraine ahayn. China waa ka dhab in uu jasiirada...
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ku dhawaaqay mamnuucidda saliidda Ruushka iyo tamarta kale ee laga keeno dalka Ukraine isagoo ka aargoosanaya duullaankii Ukraine. “Waxaan mamnuucaynaa dhammaan soo dejinta saliidda iyo tamarta gaaska ee Ruushka,” Biden ayaa u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad. “Taasi waxay la macno tahay in saliidda Ruushku...
Moscow ayaa askareyneysa rag Suuriyaan ah oo xirfad u leh ku dhex dagaalamidda magaalooyinka, si ay uga dagaalamaan Ukraine, kadib markii ay ku adkaatay ciidamada Ruushka inay gudaha u galaan magaalooyinka, warkaan waxaa laga soo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah. Xeeldheerayaal Maraykan ah ayaa sheegay in Ruushka oo hawlgallo ka sameynayay...
Masuuliyiinta Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Germany, Belgium iyo Serbia ayaa sameeyay bar isgaarsiineed oo waxtar u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalada ka socda wadanka Ukraine, kuna sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia. Madaxda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Beljimka ayaa sidoo kale xafiis adeeg qunsuliyadeed...
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 50 kalena way ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaala magaalada Peshawar ee dalka Pakistan salaadi Jimcaha. Masaajidkan oo lagu magacaabo Kucha Risaldar, ayuu qaraxu gilgilay xili dadku masaajidka kusii qul qulayeen si ay ugu tukadaan salaada Jimcaha, Shayan...
Shirkadda Google waxay ka saartay adeeggeeda Google App ciwaannada shirkadaha warbaahinta Ruushka ee RT & Sputnik. Twitter, iyaguna waxay sheegeen inay qaadi doonaan tillaabooyin caankaasi ah. Sidoo kale, Shirkadaha Visa & Mastercard ee adeegga bangiyada waxay ku dhawaaqeen inay xayiraad saari doonaan qaar ka mid ah hay’adaha lacagta Ruushka. Shirkadda ExxonMobile...
Madaxda Midowga Yurub oo shir ku yeeshay si fogaan arag ah, ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan cunaqabataynta saaran Ruushka, iyo in ay taageero millateri ku garab istaagayaan dowlada Ukraine. Madaxweynaha Komishanka Midowga Yurub, Ursala Von der leyen, oo shirka kadib warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Midowgu uu hub...
Ciidamada Ruushka ee duulaanka ku ah dalka Ukraine, ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Berdyansk, oo dhacda koonfurta dalka Ukraine, sida BBC-du sheegtay. Mayorka magaalada Berdyansk Alexander Svidlo, ayaa muuqaal uu ku baahiyay barta Facebook dadwaynaha u xaqiiyay in ciidanka Ruushku ay la wareegeen, sida BBC sheegtay. "Russian ku waxay soo galeen...