Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday galinkii dambe ee Shalay deegaano laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa madaafiicda kadib weerar toos ah ku qaaday Saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku...
Golaha Dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta si aqbaliyad leh codka kalsoonida u siiyey Xoghayeyaasha Golaha Fulinta, kuwaas oo uu 12kii september magacaabay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.
Codka kalsoonida markii la siiyay kaddib, ayaa la dhaariyey Xoghayeyaasha iyada oo ay goobjoog wada ahaayeen Hoggaamiyaha, Ku xigeenka hoggaamiyaha iyo...
Guddoomiyaasha labada Aqal ee Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wadajir ah u magacaabay guddiyo cusub.
Guddiyada cusub oo ay magacabeen labada guddoomiye ayaa ah kala ah guddiyada saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanada dalalka Qadar iyo Kuwait.Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in u jeedka ay ula furtay wadahadaladii mudada socday Soomaaliya anay ahayn, in dib loo mudoobo ee ay tahay in lagu kala tago.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in mawqifka Somaliland ee wadahadaladu uu yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku...
Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Jeyte ayaa kaga dhawaaqay dagaalka Shabaab kulan duco ah oo magaalada Teedaan loogu sameeyay dadkii ku shahiiday dagaaladii Al-shabaab looga xureeyay deegaanada dhaca Bariga Hiiraan oo uu hormuud...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulan kula qaato dalka Jabuuti Xoghayaha Gaashaandhiga dowladda Mareykanka Lloyd Austin.
Kulanka labada masuul dhexmarey ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu yahay mid daaran sidii dowladda Mareykanka ay Soomaaliya u siin laheyd taageero Militari...
Wararka ka imaanaya degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoos taga degaanka Caad ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Shabaabku isku aruursaneyeen.
Dagaalka oo ka socda dhulka...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.
Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxa, isagoona eebe uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo.
Xamse Cabdi Barre...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday goob kutaala magaalada Ceelbuur oo ay ku shirsanaayeen Horjoogeyaal Alshabaab ah, halkaas oo lagu dilay tiro horjoogeyaal ah.
Warka dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay howlgalkaasi ay ku waayeen Horjoogayaal uu ku jiray madaxii maaliyadda kooxda Alshabaab ee gobolka...
Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geystay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay duhurkii ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ruuxii waday gaariga uu is qarxiyay markii lagu celiyay barkoontarol oo ku taala...


















