Monday, November 9, 2026
Waxaa Maanta markale gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka baaqday safar ay ku tagi lahayeen Baydhabo. Xubnahaan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah kana soo jeeda...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir oo looga arinsaday arrimo dhowr ah oo la xariira amniga Caasimada, qaadashada kaarka Aqoosiga Qaranka, garab istaaga ciidanka dowladda iyo waliba roobaabka mahiigaanka ah ee la filaayo iney ka da’aan...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo galinkii dambe ee shalay ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab inta u dhaxeysa deegaanada Shabeelow iyo Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug. Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare badan...
Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya  bisha December ee sanadka 2024-ka markaas oo dhammaan dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta ay ka baxayaan Soomaaliya. Ducaale, oo ka soo hor muuqday fadhiga guud ee senate-ka si uu uga jawaabo su’aalaha senate-ka, ayaa...
Kooxo hubeysan ayaa Xalay Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku Dilay ganacsade Xasan Xaaji Daahir oo Ka mid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqiinay Magaalada Baladweyne. Dableyda geysatay dilka marxuumka ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen ninka ganacsadaha. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab ee lagu dilay, laguna dhaawacay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug yo Hirshabeelle iyo waliba kuwa baxsadka ah. Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee labadii bilood ee lasoo...
Wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah bisha January ee 2024. Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garowe, isagoo sheegay in ay diyaariyeen wax walba oo lagu qaban lahaa doorashada kusoo...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii Somaliland ee u dhoofi jiray dalkeeda. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Jidda ay xooluhu ku istaageen. "Hakadku xaga Jidda ayuu ka yimid, xooluhu dalal badan ayay u dhoofaan,...
Warsaxafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Burundi iyo Uganda oo kaashanaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka iney si wadajir ah ula wareegeen deegaanka Cali fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhulka keymaha leh ee deegaanka Cali Fooldheere ku teedsan ayaa mudo dhowr maalmood ah...
Labo maamul oo iskasoo horjeeda ayaa lagu kala doortay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, arrintaas oo muujinaysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faaax Siciid Juxa ayaa ka hor yimid labada doorasho ee lagu kala doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenka Boosaaso, halka...