Monday, November 9, 2026
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ciidankeeda millateriga u qorayso ciidamo beeleedyo dhawaan ku dagaalamay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag. Kadib heshiis laga gaadhay dagaalo dhawaan degmada Ceel-afwayn ku dhexmaray beelo halkaa wada daga, ayaa lagaga dhawaaqay in ciidamo beeleedyada dagaalamay lagu dari doono millateriga, sida saraakiisha ciidanku shirka...
Taliska ciidanka dhulka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay toogteen qof naftii hallige ah, oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kulliyada jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kooban oo talisku uu soo saaray, ayaa lagu sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga...
Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah. Heshiiskan oo caddeynaya xoojinta xiriirka labada dal ayaa waxaa si rasmi ah u kala saxiixday wakiilo ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga. Heshiiska ayaa...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya madaxweynayaasha dalalka Eretariya iyo Ciraaq. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaalada gobolka iyo adkeynta xriirka ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana la tilmaamay...
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan dalka inuu galay xaalad deg deg ah, kadib roobab mahiigaan ah iyo fatahaado is barbar socda oo saameyay dadka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa xusay in daadadka iyo fatahaada ka jirta qaar ka mid ah gobolada...
Maamulka SSC- Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada ee ka taagan Puntland. Madaxweynaha SSC- Khaatimo, Cabdiqaadir Axmed aw-Cali Firdhiye ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya doorashada inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee dhexdooda. Madaxweyne Firdhiye wuxuu uga digay dhinacyada is haya in xaaladda la...
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan xaalado nololeed oo aad u adag oo lasoo gudboonaatay dadka ku nool degmadaas. Roobab mahiigaan ah oo ay ka dhasheen daadad xoogan ayaa xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee soo gala degmada, taasoo sii adkeysay...
Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala Baledweyne. Xaafadaha uu Xalay ilaa saakay wabigu ku fatahay ayaa ah qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga ee degmada Warta nabadda, ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim. Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo hadda maqan, ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, ku takri-fal hanti dadweyne, iyo dokumentiyo been abuur ah, iyadoo dambiyadan la sheegay inay...
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku raacay Ra’iisul wasaare Xamse mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay madaxweynaha shir madaxeedka Afrika iyo Carabta oo shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. “Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso walaaca ay Dawladda Soomaaliya ka qabto xaaladda ka taagan Qasa waxaan...