Duqeymo cirka ah oo cusub ayaa laga fuliyey 4 goobood oo ku yaalla inta u dhaxeysa dooxooyinka Baalade iyo Miiraale, waxaana qaaday sida ay Puntland sheegtay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo si joogto ah u beegsata Daacish.
War-saaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa lagu sheegay, in...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka oo lala eegtay kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay iska kaashadeen dowlada Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweenayo gogosha wadatashiga Qaran ee uu todobaadkaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
"Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo...
Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Puntland ayaa wajahaya mushaar la’aan ba’an, iyadoo aysan wax mushaar ah qaadan muddo afar bilood ah sanadkan 2025.
Qaar kamid ah shaqaalaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in sanadkan oo dhan kaliya ay heleen mushaarka bishii February, kaas oo la bixiyay bisha March. Taas...
Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika.
Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Shir Wadatashi Qaran oo lagu qabanayo Muqdisho 15-ka Juun 2025.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in shirkani la isugu keeni doono madaxda dowladda federaalka, madaxda dowlad-goboleedyada, siyaasiyiin hore, xisbiyada siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Go’aanka...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid shir deg deg ahaa ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo la xariirtay inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.
Agaasimaha cusub ee hay'adda NISA ayaa xilkaan kala wareegi doona Agaasimahii...
Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ay shalay ciidamada Puntland kula wareegeen taliskii kooxda Daacish ee ku yaallay deegaanka Miiraale, kadib howlgal dhul iyo cir iskugu jiray oo ay ka fuliyeen gudaha toggii iyo ceelkii Miiraale.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 15...
Madaxtooyada Turkiga ayaa shaacisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kawada hadleen arrimo ay ugu weyn tahay dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagexisada Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga oo lagu soo bandhigay barta X,...
Taliyaha Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Michael Langley, ayaa ku booriyay dalalka Afrika oo ay Soomaali kamid tahay inay la wareegaan doorka sugidda amnigooda, xilli Mareykanku uu dhimayo deeqaha uu horay u bixin jiray si loo xasiliyo gobolka.
“Waxyaabo aan horey u qaban jirnay, waxaa dhici karta inaan...


















