Sida lala wada socdo dhawaan waxaa warbixin uu qorey wariye jamaal maxamed cusmaan aad carro uga muujiyey wariyeyaal qaarkood ka hawl galaan muqdisho,isla markaana sheegey in wariye jamaal uu u gefey iyagoon aqrin ama fahmin warbixinta taas oo u muuqata in wariyeyaashan ay jirto cid warkan u soo tebisey daagaal qarsoona kula jira wariye jamaal oo ah nin abaalmarino caalami ah ku guuleystey.
Hadaba horaa loo yiri si xun wax u sheeg sixir waa ka daranyaheye baaritaan iyo xog ururin dheer oo uu sameeyey websiteka warsom ayaa waxaan ku ogaaney halka ay kasoo butaacdey sharaf dhaca saxafiyiinta lagu soo dhextuurey,keenteyna in saxafiyiintii ku kala qeybsamaan oo aan maanta dab lakala qaadaneyn,saxafiyiinta muqdisho ku shaqeeya qaar waa shaqaale dawlada u shaqeeya,qaarna waxey u shaqeeyaan warbaahinta gaarka loo leeyahey iyo kuwo u shaqeeya wakaaladaha caalamka sida A.p,royter iyo shinwan iwm.
Hadaba waxaa baaritaan lagu ogaadey in ay warkan wariyeyaasha gilgiley keeneen kooxo u shaqeeya wakaaladaha wararka dabadeedna ay turjumaad xun ka bixiyeen warbixinta uu wariye jamaal ku qorey theguardian,waxaana isweydiin mudan in leysweydiiyo waa maxey colaada ay u qaadeen wariyahan walaalkood ah ragan wakaaladaha wararka u shaqeeya?
Ragani dagaalka iyagu kama qeyb gelin mana qorin wax la xiriira muranka saxafiyiinta soo kala dhex galey marka laga reebo wakaaladda wararka (shinwaan),sababtuna waa: ragan wakaaladaha u shaqeeya qaarkood oo ah kuwa ugu jeebka roon wariyeyaasha muqdisho ka hawl gala ayaa hadda ka hor waxey wakaaladahooda u direen warar been abuur ah oo aan jirin xaqiiqdana ka turjumeyn,taas oo ka liftey in wakaaladihii soo raadsadaan wariye jamaal maxamed cusmaan,dabadeedna uu xaqiiqda dhabta ah u sheegey,halkaas oo canaani uga timid ragan wakaaladihii ay beenta u sheegeen,taas oo abuurtey in ay colaad u qaadaan wariyihii walaalkood ahaa oo isagoon waxba la socon waa dhankoodee, xaqiida ka hadley,waana kala maan iyagoon is ogeyn is diley ee waxaan ugu danbeyn talo kusoo jeedineynaa war hala soomaaliyeeyo dhulkana ha la dhigo.
Qeybo kale oo xogtan ah la soco jimcaha danbe insha allaah.




