Ciidamada AMISOM oo sheegey in ay baneynayaan garoonka ciyaaraha stedium muqdisho.

0
520

Afhayeenka ciidamada amisom oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in la soo gaarsiiyey qoral ay madaxda amisom ugu balan qaadayaan xiriirka kubada cagta soomaaliya,taas oo loogu sheegayo in garoonka la baneynayo bisha dicenber ama dhamaadka sanadkan aynu ku jirno.

Garoonka stedium muqdisho ayaa waxa uu saldhig ciidan u ahaa ciidamada amisom tan iyo markii laga qabsadey xarakada alshabaab oo iyaguna hore u degenaa garoonka dhexdiisa,taasoo ay garoonka ku soo gaareen madaafiic iyo rasaastii leys weydaarsanayey,dhismihii iyo qalabkii garoonkana waxba kama jiraan ka dhigtey.

Balanqaadkan iyo ka bixitaanka garoonka stedium muqdisho ayaa imanaya kadib markii xiriirka kubada cagta soomaaliyeed ay codsi u direen hugaanka ciidamada Amisom,iyagoo ka dalbanaya in garoonka ay ciidamadu faarujiyaan si ciyaaraha kubadda cagta loogu qabto,markii sida ay sheegeen la arkey nabada soo korortey.