Shacabka ku dhaqan gobolka sh/hoose oo kasoo hor jeestey in maamul dawladu usoo magacawdo.

0
514

Shacabka ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegey in aaney ogolaan doonin maamul ay dawlada dhexe soo magacawdo,iyagoo ku sababeeyey in ay xaq u leeyihiin in ay maamulkooda dhistaan isla markaana baarlamaanka gobolka sameystaan.

Dawlada dhexe xaq uma laha in ay gobolo maamusho kuwo kalena ismaamulaan ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka sh/hoose kaasoo diidey in magaciisa la sheego,waana muran hor leh oo goorahanba kasoo baxayey gobolada qaarkood.

Diidmadan ka timid shacabka gobolka sh/hoose ayaa waxey imaaneysaa iyadoo waqti dhaw dawladu ka qabsatey xarakada alshabaab,uuna hada ka arimiyo gudoomiyihii waqtiyadii kumeel gaarka C/qaadir nuur seydii,lamana oga in qeyladaan uu c/qaadir laftiisu ka danbeeyo iyo in kale.