Guuto Ciidamo dheeraad oo ka tirsan kuwa AMISOM kana socda dalka Jabuuti ayaa lageeyey Baladweyn oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
AMISOM-ta ku sugan Beledweyn ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo tiradooda 1 000 kun askeri kuwaas oo hanan doona amaanka magaalada.
Guutadaani Ciidamada cusub ee Jabuuti ka yimid ayaa gaaraya 300 oo askeri kuwaas oo ku qalabaysan gawaardia gaashaaman, waa dafcaddii saddexaad ee gaaray Beledweyne kuwaa oo ka socda Jabuuti.
Itoobiya oo iyagu aan qayb kaahayn AMISOM laakiin ka joogaa Soomaaliya Gobolada Hiiraan iyo Baay ayaa la doonayaa in lagu wareejiyo ciidamo kale ee ka socda Midowga Afrika..
AMISOM Ciidamadeeda ayaan ilaa hadda la-hayn tiradooda saxda ah kadib markii hawlgalada ciidamadfa Kenya ee Jubboyinka lagu daray kuwa AMISOM, waxaase qaramada midoobey horey isugu raaceen in la gaarsiiyo 18 000 kun oo askeri kuwaa oo ku biiridoono kuwa haatan ku sugan baladweyn.




