Shirka Amniga Soomaaliya oo uu Shir Gudoomin Doono M/weyne Xasan Sheekh Magaalada New-York.

0
748

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah shir guddoomin doona shirka amniga Soomaaliya oo ka dhacaya xarunta golaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka kala socda 26 dal, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo wafuud kale.

Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo waxaa ka mid ah qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee dhanka amniga iyo horumarka. Madaxweyne Maxamuud ayaa habeenimadii Isniinta soo galay magaalada New York.

December 1, 2023 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd in ka badan 30 sano ka hor. Xubnahan oo ka kooban 15 xubnood ayaa soo saaray laba qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, kuwaasoo kala ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan iyo mid kale in dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore sheegay in Soomaaliya ay hal sano uga harsan tahay inay dalka ka saarto kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, iyadoo waqtiga ay ka baxayaan ciidamada ka haray kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku egtahay bisha December ee soo socota.

Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii waday kacdoonno ka dhan ah dowladda Soomaaliya, si ay u dhistaan ​​xukun u gaar ah oo ku dhisan tafsiir adag oo ku saabsan Shareecada Islaamka.