Taliyaha Ilaalada Wadooyinka Oo Shaaciyey In Ay Heleen Taargooyinka 2gaari Ay Ka Buuxaan Waxyaabaha Qarxa.

0
682

Cali Xirsi Bare {Cali Gaab} Taliyaha Ciidammada ilaalada
wadooyinka Soomaaliya ayaa soo
saaray digniin ku aadan gawaari
laga soo buuxiyey waxyaabaha
qarxa kuwaasi oo ay talisku
shaaciyeen in la helay
taargooyinka ay isticmaalayaan.

General Cali Xirsi Bare Cali
Gaab oo ah Taliyaha Ciidammada
ilaalada wadooyinka ayaa tilmaamay
iney shacbiga Soomaaliyeed ku
wargelinayaan in cidii aragta
laba gaari oo kuwa raaxada ah
ay kusoo wargeliyaan hay’adaha
ammaanka kuwaasi oo talisku uu
shaaciyey nambarada
taargooyinka iyo sidoo kale
nuucyada gawaaridaasi.

Cali Gaab ayaa sidoo kale tilmaamay in
gawaaridan xogtooda la helay
islamarkaana ay hada ku daba
jiraan hay’adaha ammaanka
balse shacabka laga doonayo in
ay ka qeyb qaataan sidii loo hor
istaagi lahaa waxyeello ay
qaraxyadaasi u geystaan
shacbiga Soomaaliyeed.

Gawaaridan ay Talisku sheegeen ayaa noocoodu kala ah
gaari nooca ay Soomaalidu u
taqaano Noha kaasi oo ay ku
xerantahay taargo nambar AA
5622, halka gaariga labaadna uu
yahay gaari nooca Soomaalidu ay
u taqaano SURF islamarkaana ay
taargo nambarkiisu yahay AA
8317.
Taargooyinka ku xeran
gawaaridaasi ayuu taliska
Ciidammada ilaalada wadooyinka
ku sheegeen in laga xaday
gawaari kale ayadoo xogaha ku
aadan gawaaridan qaraxyada
lagu soo xeray ee ay hay’adaha
ammaanku hayaan ay yihiin
kuwo farabadan sida uu sheegay Cali Gaab.