Waxaa markii labaad uu booqdey gobolka hiiraan magaalada b/weyne isagoo hore u booqdey gobolka baay magaalada beydhabo,taas oo u muuqato in m/weynuhu uu soo wada salaamayo gobolada dalka soomaaliya.
M/weyne xasan sheekh oo ah m/weyne isbedeldoon ah ayaa gobolada uu booqdey waxa uu u jeediyey khudbad ay la dhaceen guud ahaan shacabweynaha soomaaliyeed intii dhageysatey,waxaana ka muuqatey in m/weynuhu iftiimiyey wax dadka soomaaliyeed aysan ku fekerin oo la oran karo waxey aheyd khudbad cashar ah taas oo muujineysey in shacabku fahmo waxa ay ka rabaan madaxda u adeegeysa iyo waxa aysan dooneyn taas oo hadii ay mar hore iman laheyd aysan jiri laheyn hawlo kala dhiman ama kala dhantaalan ama m/weyne iyo ra’íisalwasaare isheysta oo aan shacabku ogeyn waxa ay isku heystaan.
M/weynaha ayaa u muuqda nin wata aragti cusub oo ka bedelan m/weynayaashi dalka soo marey waqtiyadii kumeelgaarka,waxaana la filayaa in uu booqdo meelo kale oo dalka gudihiisa ah beryaha soo socda.




