M/weyne Xasan Sh. Maxamuud Iyo Odayaasha Dhaqanka Galmudug Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Lagula Jiro Al Shabaab.

0
653

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug wuxuuna kala hadlay dagaalka Alshabaab looga saarayo deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha dagaalka, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay yihiin Al-shabaab, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah , waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.