Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya koox hubeysan oo shan caruur ah ku dilay deegaanka Qorof oo hoos taga degmada Dhabbad ee gobolka Galgaduud.
Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta U sheegaya in carruurta ay ka yimaadeen Xaflad aroos oo ka dhacday meel baadiye ah, iyagoo oo seexday meel u dhow dugsi quraan ay dhigan jireen.
Carruurta ayaa waxaa ugu wayna wiil 13 jir ah, iyada oo ay ku jireen agoon, sida Ilo deegaanka ah ay warbaahinta u xaqiijiyeen.
Dhacdadan ayaa salka ku haysa aanoo qabiil iyo xiisad ka taagan deegaanka ay kasoo jeedaan caruurta la diley.
Maydka shanta carruurta iyo midka kale ee dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka degmada Dhabbad ee gobolka Galgaduud mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulka galgaduud ee hoostagta dowlada soomaaliya.












