Axmed Madoobe Iyo Lataliyaha Demoqraadiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo Ku Kulmay Kismaayo.

0
646

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo gaaray Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in kartida iyo firfircoonida dadka Soomaaliyeed ay meel sare ka gaarsiisay bulshooyinka ay la nool yihiin ee guud ahaan dunida, taasna uu tusaale muuqda u yahay Xamse Warfaa, isagoo uga mahadceliyay Mudane Xamse booqashada uu ku yimid Jubbaland si uu u arko isbadalada muuqda ee dhinacyada badan.