Guddi Xaqiiqa Raadin ah oo Loo Magacaabey Shaqaaqadii Dhawaan ka Dhacdey Degmada Baraawe.

0
295

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe.

Guddigan ayaa loo xilsaaray inay soo baaraan sababta ka dambeysay isku dhicii dhexmaray ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, isku dhacaas oo sababay dhimasho, dhaawac  iyo burbur hantiyeed.

Guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay warbixinta guddigan uu saaro inuu guluhu go’aan kaga gaaridoono shaqaaqada ka dhacday Baraawe.

Qaar kamid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay ciidamada militariga Soomaaliya inay qaab beeleed u weerareen degmada Baraawe, oo ah xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxay masuuliyadda dusha uga tureen Dowladda federalka oo ay sheegeen inay kasoo horkeedo horumarka iyo nabadda ka jirta magaalada Baraawe.