“Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo dagaalka, mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso, aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay, aniga halkaas ayaa uga haray, malaha foormalo ka fiican ayay dowladda hayaane, kaas ayaa ka sugayna iyo waxii kasoo baxo,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte Cismaan
Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale xusay in qaabka kaliya ee looga adkaan karo dagaalka ka dhanka Shabaab iney tahay kacdoonka shacabka, islamarkaana aanan loo baahneen in madaxda dowladda Fedaraalka iney ka weecdaan formalaha uu lahaa wajigii koobaad ee howlgalkii guuleystay.
“Dagaalka aan hadda galnay waxa uu ahaa kacdoon bulsho oo dowlada caawinayo, waxaa moodaa in laga leexday foormaladii dagaalka, sida kaliya oo lagu guuleysan karo dagaalka waxay tahay in la helo kacdoon bulsho aniga aragtida aan qabo ee aan soo fulinay” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye Jeyte ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay horay u shaacisay inuu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore.












