Muqdisho oo laga daahfuray Shirka dib u eegista qorshaha qaranka ee 9aad

0
625

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurtay dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad (2020 – 2024), oo ay kasoo qeybgaleen Golaha Horumarinta Qaranka.

Golaha Horumarinta Qaranka oo ka kooban Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hogaamiya Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo daahfuray Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Haykalka Dowladnimada Soomaaliya.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa saameyn weyn ku leh jiheynta iyo kala horraysiinta hindise-yaasha horumarineed ee mustaqbalka dhow iyo kuwa fog ee Soomaaliya, waxaana fulintiisa kormeera Golaha Horumarinta Qaranka