Munaasabadani oo ahayd mid lagu dhaarinayay xildhibaanada cusub Baarlamanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxdii dowladii hore uu dhawaan ka dhamaaday waqtiga iyo qaar ka mid ah xildhibaanadii hore ee laga talaabsaday.
Ugu horey waxaa xafladda dhaarinta xildhibaanada furay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ilka xaraf isagoona sheegay inta aan la dhaarin xildhibaanada ruuxii loo dhaariyaa xilka xildhibaanimada barlamanka inuusan isku soo sharxi karin wax xil ah ee ka baxsan barlamanka uu ka tirsanyahay xildhibaanka.
xildhibaanada Maanta La dhaariyay ayaa waxay tiradooda gaarayaan 211 xildhibaan waxaa uuna guddoomiyaha kula dardaarmay in shaqsi ka tirsan xildhibaanada uusan sheegan magac uusan leheen.
Intaa ka dib shir guddoonka baarlamanka si KMG ah waxaa loogu magacaabay ruuxii ugu da’da weynaa barlamanka Jen. Muuse Xassan Cabdulle Da’diisuna ay tahay 72-sana jir.





