Wasaarada Difaaca ee dowlada dalka Kenya Oo Sheegtay Inay Dileen Ciidamada Dalka Kenya 73 Dagaalyahano ka Tirsan Dhaqdhaqaqa Al-shabaab.

0
534



(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Dagaal aad u xoogan oo ka dhacay deegaanka faxfuun Dhuun ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada KMG somaliya iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya iyo dhaqdhaqaaqa al-shabaab.

Wasaarada ayaa sheegtay in Dhankooda Qasaaraha so gaaray uu yahay in ay ka dhaawacmeen 3 Askari oo ka mida Ciidamada dagaalka la galay dhaqdhaqaaqa al-shabaab.

Sargaalka hor kacayay ciidamada huwanta ee dowlada Kenya major Generaal Emanuel chirr chirr ayaa bogiisa twitter ka ku soo qoray in askarta ciidamada Kenya ay Dileen dagaalyahano ka tirsan al-shabaab ayna ka qabsadeen hub iyo saanad militeri isagoo carabka ku dhuftay in hubka ay kala wareegeen uu u badnaa qoriga loo yaqaab Ak47-ka .

Dhinaca kale afhayeenka dhinaca howgalada ee dhaqdhaqaaqa shabaab sh cabdi casiis abuu muscab oo warbaahint la hadlayay ayaa warbiiyay weeraro ay ku qaadeen 24ki saac ee ugu dambeeyay ciidamada Kenya kuwa dmkg iyo itobiya oo ku kala sugnaa demada xudur ee gobolka bakool iyo deegaanka faxfuun ay laayeen ciidamo badan .