(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Afhayeenka Ban Ki-Moon ayaa sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tallaabo ka qaadi doonaan koox walba ama shaqsi kasta oo ka hortimaadda qorshaha lagu xasilinayo Soomaaliya oo aysan muddo 20-sano ku jiray fowdo iyo colaado.
“Xilliga shaqo ee dowladda KMG ah ee ku eedeysan musuqmaasuqa wuxuu ku eg-yahay 20-ka Ogoosto ee sannadkan, waxaana odayaasha beelaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay xildhibaannada soo xulaan si ay u doortaan hoggaan cusub,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Ki-Moon.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in toddobaadyadii ugu dambeysay ay jireen doodo siyaasadeed oo u dhexeeyay siyaasiyiinta Soomaalida. Qaramada Midoobay iyo ururka Midowgta Yurub ayaa muujiyay walaacooda ku aaddan in howlaha looga baxayo xilliga KMG ah uu dib u dhac ku imaan karo.
Ki-Moon ayaa ugu yeeray hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyada kale inay ka gudbaan kala fikir-duwanaashaha u dhexeeya ayna ka shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waa in odayaasha dhaqanka waa inay ka fogaadaan wax is-daba-marin. Sidoo kale guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka waa inay howshooda u gubtaan si aanay cabsi ku jirin oo hufan,” ayuu yiri Ban Ki Moon.
Si Kastaba Ha Ahaatee Bisha Ogoosto ee sannadkan ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ka gudbto KMG-ka Muddada 12-sano ay ku shaqeynayeen dowladihii soo maray, iyadoo lagu wado in loo dhiso Soomaaliya dowlad joogto ah oo go’aannadeeda u madaxbannaan





