Bayaan dheeer oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha cusub ee Kenya uu haysto fursad uu dib u eegis ugu sameyn karo go’aannada siyaasadeed ee arrimaha dibadda Kenya gaar ahaan joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.11 sano ayaa laga joogaa markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya gudaha soo galeen. Alshabaab ayaa sheegay inay tan iyo waqtigaas inay ciidamada Kenya ku go’doomiyeen saldhigyadooda, iyagoo aan awoodin inay ka baxaan.
Al-shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay waddo dil, kufsi iyo tacadiyo kale oo arxan darro ah oo ka dhan ah muslimiinta Kenya iyo Soomaaliya.
Al-Shabaab waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarada ay ku qaadeyso magaalooyinka Kenya inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihin gudaha Soomaaliya.












