DAAWO; Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Cabdi Xasan Xijaar oo Sheegay in ay 106 ruux kasoo Badbaadiyeen Weerarkii Hotel Xayaad.

0
669

Taliyaha guud ee ciiddanka Booliiska Soomaaliya, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in 106 qof oo shacab ah laga soo badbaadiyay weerarkii Shabaab ku qaadeen hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska oo ka war bixinayay howlgalka ayaa sheegay inay ciidamadu xalay saqdii dhexe ku guulaysteen inay soo afjaraan howgalkaan.

Xijaar, wuxuu ku eedeeyay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo haween ah. Taliyuhu wuxuu sheegay khasaaraha dadka rayidka ah inuu dhacay saacadihii hore weerarka. Wuxuu tilmaamay inay ciidamadu ku guulaysteen badbaadinta shacabka hotelka ku xayirnaa.

Wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waayeen iyagoo badbaadinayay dadka shacabka. Balse taliyuhu ma sheegin tirada askarta geeriyootay iyo dadka kale ee shacabka ahaa.