“Waa ninka isaga oo 7 qof dilay boqol iyo dheeraadna dhaawacantahay marka lagu daro askarta, wali u hamuumayo in uu dhiig daadiyo” ayuu yidhi Faysal “Maalintii Maxamed Siyaad Barre lagu mudaharaadayay ee dhalinyaradii UFO la xidhay 1 qof ayaa ku dhintay, hada waa Faqashtii” ayuu yidhi Faysal.
Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi uu is badalay kadib markii uu Xirsi Cali Xaaji Xasan guddoomiye ka noqday xisbiga Waddani.
“Muuse xisbi is badalay oo guddoomiye ka dhigtay nin Xirsi la yidhaa, ayuu la waashay, horayna waan i diinku sheegay siduu u hagaagsanaa, ayuun baa Xirsi laga dhigay guddomiyaha Waddani, markaasu wixii oodhan badalay” ayuu yidhi Faysal.
Waxa uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu madaxweyne ku yahay aqoonsiga ay siiyeen xisbiyada mucaaradka ahi, isla markaana hadii ay aqoonsiga kala noqdaan uu noqon doono muwaadin kamid ah muwaadiniinta Somaliland.
Faysal waxa uu sheegay in mudaharaadadu ay soconayaan, isla markaana anay maalin danbe xukuumada ka codsan doonin ogolaansho, oo ay wadi doonaan, hadii ciidanku la dagaalamana ay dagaalami doonaan.












