M/weyneyaal Hore ee Puntland oo Ku Eedeeyey Gudoomiye kuxigeenka 1’aad ee Barlamaanka Sacdiya in ay Masuul ka Tahey Dhacdadii Dagaalkii Boosaaso.

0
356

Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland ayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ku eedeeyay inay masuul ka tahay dhacdadii ka dhacday magaalada Bosaso.

Waxay sheegeen guddoomiye ku xigeenku inay qaadayso masuuliyadda khasaarihii ka dhashay iska hor imaadkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 16 qof oo askar u badan.

Faroole, Cabdiweli Gaas, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad  iyo siyaasiyiin kale oo xilal kasoo qabtay Puntland, ayaa sheegay, in guddoomiye ku xigeenku ay baalmartay nidaamka dowliga ahaa markii ay u safraysay magaalada Bosaso.