Agaasimaha Wasaaaradda Gargaarka Xukuumadda Fedaraalka ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqda Gargaarka ah ee Maanta soo gaarsiyeen dowlada Soomaaliya, isagoona sheegay in la Deeqdaan ay gaarsiin doonaan dadka baahida weyn u qaba ee saameysay abaarta.
Deeqdaan ayaa noqoneysa deeqdii shanaad oo ay dalka Soomaaliya soo gaarsiiyaan dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna horey ay u keeneen magaalada Muqdisho dowladda Imaaraadka gargaar noocaan oo kale ah oo ay ugu talo gashay adka abaaraha ay saameyeen, iyadoona la gaarsiiyay gargaarkaasi magaalooyin kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Gargaarkan Maanta dowladda Soomaaliya kala wareegtay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kusoo aadaya xili wali qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay ka jiraan xaalada Bani’aadanimo oo aad u daran.














