Warar Lagu Baahiyey Baraha Bulshada oo Gudiga Doorashada Heer Federal Beeniyeen kuna tilmaameen wax Sal iyo Raad Laheyn.

0
545

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa been abuur ku tilmaamay qoraalo lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegayo inla fasaxay xubnihii la xanibay kuraastooda.

Qoraalkan ayaa waxaa la soo dhigay barta ay facebook ku leeyihiin guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur galbeed

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada in warqaddani aysan ka soo bixin guddiga islamarkaana tahay been abuur laga sameeyey xubnaha guddiga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga FEIT

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa sheegay inuu dammaanad qaadayo gudashada waajibaadkiisa qaran iyo dhammeystirka doorashada waqtiga loo asteeyey

HOOS KA AKHRISO QORAALADA BEEN ABUURKA LAGU TILMAAMAY.