cabdi cali muxumud oo ah taliyaha amaanka ee dowlada KMG soomaaliya ee gobolka gedo ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegen gacan ku heynta deegaano ka tirsan gobolka gedo.
taliyaha amaanka gobolka gedo DKMg soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegen deeganada ay kamid ka yihiin burcaa iyo daabley oo ah deegaano udhexeya degmooyinka ceelwaaq iyo garbahaarey ee gobolka gedo.
cabdi cali muxumud taliyaha amaanka gobolka gedo ee dowlada soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in si nabad galya ah in ay kula wareegen oo aanay jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen xarakada alshabaab ee hore uga arriman jirtay deeganada ay hada la wareegen ciidanka DKMg soomaaliya.
taliyaha ayaa intaa raaciyay in ay wadaan howl galo ay ku doonayaan in ay ku soo qabqabtan ciidamadii ka tirsana xarakada alshabaab ee ku sugnaa deeganada burcaa iyo daabley oo gobolka gedo waloo aanay jirin cid ay ku qabteen deeganada ay la wareegen ciidanka isbiirsanaya ee ka kala tirsan dowlada soomaaliya iyo kuwa Ahlu sunna waljamaaca ee gobolka gedo.
si kastaba ha ahaate xarakada alshabaab ayaa maal mahani danbe waxa gacan teeda ka sii baxaya deegano dhowr ah oo ay ka arriman jirtay kuwaasi oo ay la wareegayaan ciidamada dowlada soomaaliya oo taageera dhinacya badan ka helaya shisheeye iyo garabyo hubeysan oo ku aftirsada raaskambooni ahlu sunna waljameeca,iyo dowlado taagersan dowlada soomaaliya
W/Q, Aadan xuseen daauud.




