wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada FKMG soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa galinkii danbe ee maanta waxa ay gaaren degmada balcad ee gobolka shabellaha dhexde.
wafdiga madaxweyne shariif uu horkacayo ee maanta gaaray balcad ayaa waxa sidiiran degmada ugu soo dhaweeyay sarakiisha ciidanka DKMG soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.
madaxweynaha iyo wafdi giisa ayaa booqasho ku tagay qeyba ka mida degmada balcad markii ay garen iyagoo ukuur galayay xaaladaha dhinaca amaanka ee degmada balcad gobolka shabellaha dhexe.
degmada balcad ayaa dhawaanahani waxaa la wareegay gacan ku heynteda ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya oo kaabiyo mileteri ka helaya ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





