Saraakiil Ka Socda Midawga Yurub oo La Kulmey M/weyne Saciid C/llaahi Deni M/weynaha Puntland.

0
443

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Maxamed Xaaji oo ah maamulaha mashruuca lagu dhisayo waddada Gaalkacyo-Garoowe.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda ku aadan dhismaha waddooyinka iyo maalgelinta biyaha, isaga oo la wadaagay Midowga Yurub in maamulka uu malaayiin doollar ku bixiyay dhismaha waddooyinka, ayna u mahadcelinayaan cidkasta oo kala qeyb-qaadanaysa.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wasiirka qorsheynta ahna xildhibaan DFS Cabdiqafaar Xaange iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashii Cali.

Dayactirka waddadan ayaa u qeybsan labo waji oo kala ah Gaalkacyo ilaa Xarfo iyo wajiga labaad oo ah Xarfo ilaa Birta Dheer, iyadoona dhismaha jidkan loo arkaa mid kamid ilaha kor u qaadaya dhaqaallaha Puntland.