Afar Kursi Deegaan Doorashadoodu Tahey B/weyne oo Gudiga Seit ee Hirshabeele Shaaciyeen Jadwelkooda.

0
788

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad-gobolleed ee Hirshabelle, ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada afar kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraasta jadwalkooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP#058, HOP#019, HOP#059 iyo HOP#039 iyadoo Kursiga ugu kululi uu yahey kan uu ku fadhiyey Nuur Iidaw ee Hop 058 kaas oo ay hadda u Taagan yihiin Toban Murashax oo Sanadkan uu ugu Cad Cad yahey C/qaadir Xuseen Colaw oo ah Ganacsade Siyaasadda ku Xeeldheer iyo Aqoonyahan Dhanka Arrimaha Bulshada.

25-ka bishan ayaa la bilaabi doonaa diiwaan-gelinta, tababar iyo shaacinta guddiyada xulista ergada, halka 27-ka bishan Maarso la qaban doono doorashada kuraastan.

Xaaladda amni ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, kaddib markii 48 qof ay ku dhinteen, 108 kalena ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacday magaalada.