Dagaal ayaa caawa abaare 10:00 caweysnimo ka bilowday degaanka Xaawo Cabdi oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga taabacsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay halkaas ku leeyihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Rasaas xooggan oo la isweydaarsanayo iyo qaraxyo ayaa goor dhow halkaas laga maqlay, welina faahfaahin lagama hayo Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo u muuqda inuu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
Dadweynaha ku dhaqan degaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa la soo dersay cabsi fara badan iyo argagax ay ka qaadeen hubka dushooda la isku weydaarsanay
Al-Shabaab ayaa Maalmahan xoojiyey weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, shalay iyo xalay ayeyna aheyd markii dagaalyahano ka tirsan kooxdaas ay xalay iyo shalay weeraro dad badan lagu laayey ka fuliyeen garoonka Aadan cadde iyo magaalada Baladweyne.












