Markay qoomiyadu dhaawacanto, dawladnimaduna (State) burburto ee ay kuu raacdo hoggaan xumo, waa halaag iyo habaar”( Professor Axmad I. Samatar)
(Presidential candidate)
Professor Axmad Ismaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada waaweyn ee Soomaalida kuwooda safka hore, hadduusanba ahayn kan koowaad. Waa indheergarad maskax-maal ah oo si joogto ah isha ugu haya waxa ka socda Soomaaliya iyo adduunkaba. Wuxuu aad u taxliiliyaa is-beddelka xaaladaha caalamka. Wuxuu wax ku bartay dalka Mareykanka muddo hore. Wuxuu haddeer hormuud (Dean) ka yahay Institute for Global Citizenship, Macalester College. Sidoo kale, waa James Wallace Professor ee dhinaca culuunta caalamiga (International Studies). Wuxuu shahaaddada B.A. ka qaatay University of Wisconsin (La Crosse) sannadkii 1978-kii. Saddex sano kaddib,1981-kii, wuxuu shahaaddada M.A. ka qaatay University of Denver. Isla mar ahaantaas, wuxuu shahaaddada Ph.D. ku diyaariyey isla jaamicaddaas
sannadkii 1984-kii.
Prof Axmad Ismaciil Samatar, wuxuu muxaadarooyin ka soo jeediyey jaamacadoiyo kulliyado
dhowr ah oo ay ka mid yihiin; University of Amsterdam, Cornell, Harv ard, Iowa, London School of Economics and Political Science, Oslo University, University of Pennsylvania, Jaamicaddii Ummadda Soomaaliya, Toronto University, York University, School of Oriental and African Studies (SOAS) ee Jaamicadda London iyo Wellesley College. Wuxuu qoray shan kitaab iyo sodameeyo qoraal cilmiyeed isla markaasna wuxuu maamulaa laba diwaan oo lagu faafiyo aqoon baadhista. Agab cilmiyeedka Professor Samatar waxaan ka soo qaadan karnaa:
Kutub:
1. Socialist Somalia: Rhetoric and Reality (London: Zed Books, 1988)
2. The Somali Challenge: From Catastrophe to Renewal (L. Rienner Publishers, 1994 – 297 pages)
3. The African State: Reconsiderations (Heinemann, 2002)
4. Somalia: State Collapse, Multilateral Intervention, and Strategies for Political Reconstruction (Brookings Institution, 1995)
5. Literature, the Creative Imagination and Globalization (Macalester College, International Studies and Programming, 1996 – 245 pages).
(Maqaal-cilmiyeedyo iyo agab-cilmiyeed kale:)
1. Somalis as Africa’s First Democrats: Premier Abdirazak H. Hussein and President Aden A. Osman, Bildhaan: An International Journal of Somali Studies(2002)
2. Editor of 28 Volumes of Macalester International, a journal of undergraduate education and internationalism
3. Whither Development? The Struggle for Livelihood in the Time of Globalization, Macalester International, vol. 24″ 2009
4. Interviewing the Interviewer, (2011) 5. The Porcupine Dilemma: Govenance and Transition in Somalia (Volume 7,2007
6. A Virtuosic Touch: Hodeide, a Life with the Oud and More (Bildhaan,Volume 8, 2008)
7. Battling Two Fronts: Introducing Maryen Omer Ali (Bildhaan, Volume 9,2009).
8. Escape From Hell: What Now For Somali-Americans?, (2011)
Wuxuu qoray in ka badan soddon maqaal-cilmiyeed. Wuxuu tifatire ka yahay journal-ka Bildhaan oo ah kii ugu horreeyey ee caalami ah ee falanqeeya culuunta Soomaalida. Wuxuu kaloo tifatire ka yahay 28 qaybood oo ka mid ah Macalester International oo ah warside waxbarashada iyo caalamiyeynta. Prof Samatar oo ah Fulbright Fellow, cilmi-baarista uu hadda ku dhex jiro waa hoggaaminta iyo khibradda Soomaalida.
(Siyaasada:)
Inkastuu muddo badan dibada ku noolaa Professor Axmad Ismaciil Samatar marnaba kama muuqato inuu dalkiisii muddadaa dheer ka soo maqnaa. Markhaati waxa taas u ah afkiisii hooyo siduu ugu xaragooda isagoo markuu ku hadlaayo ay ka muuqato jacayl gundheer oo uu u qabo dhaqankiisa iyo afkiisa hooyo. Arrinta noocaas ah waxaa lagala kulmaa aqoonyahanada dhaqanka leh ee afka qalaad lagu yidhaa cultured scholars.
Aqoonta dhanka huwan waa tan Professor Samatar u sahashay inuu maalin walba xaalka dhulkii hooyo uu si cilmiyaysan u duljoogsado soddonkii sanno ee u dambeeyay. Waa aqoonyahan dhibta dalkiisii iyo dadkiisii haysa aad uga damqada sida laga dhandhasado doodahiisa, qoraaladiisa iyo dadaalkiisaba.
Waa shaqsi aan la gabban inuu ka dhawaajiyo halista iyo halaaga dul hagoogan qoomiyada soomaliyeed. Dadaaladiisa muuqda waxaa ka badan dadaaladiisa uu hadh iyo habeen ugu hiiliyo dadkiisa iyo dalkiisa, sidaan ognahayna goobaha laga dagaalamaa ee ummada looga hiiliyaa soomalidu caadiga ihi uma dhuun daloosho.
Professor Samatar dadaaladiisa waxaa ka mid ahaa inuu ururiyo bahda aqoonyahanada soomaliyeed si ay xal ugu helaan Somalia iyo soomali. Sidaa awadeed wuxuu ka soo qayb galay dadaalo badan oo lagu baadi doonaayo xal waara oo ummadu dhibaatada kaga baxdo.
Ugu dambayn Professor Samatar wuxuu ka mid noqday aas-aaseyaashii urur siyaasadeedka HiilQaran oo u magacaabay madaxa Siyaasada ee ururkaas. Isla ururkaasi wuxuu Professor Samatar u doortay inuu uga qayb galo tartanka doorashada Madaxtooyo ee dalka Somalia ka dhici doonta bisha sideedaad 20-keeda.
(Halhaysaka HiilQaran)
Professor Samatar waa aqoonyahnka cilmi ahaan uu ka soo maanguuray kalmad cilmiyeedka Tol oo nurux ahaan ururiye ah waana erey ka horjeeda ereyga qabiil oo asal ahaan kala geeye ah. Musharaxa Jagada Madaxtooyo ee ururka Hiil Qaran wuxuu soo badhigay oo uu micno qeexan dul saaray dhibta soomalida ku habsatay iyo sobobaha keenay inaan guul laga gaadhin dhowr iyo tobankii shire e loogu yeedhay dibu-heshiisiin. Siyaasigu Smatar wuxuu garwaaqsaday in mashkalada Somalia xalkeedu ku jiro in wax laga qabto saddex shay oo gudaha ah iyo mid dibada la halmaasha.
(Saddexda mashkaladood ee soomalida u gaar ah:)
1) In la dhayo wixii qoomiyad soomaliyeed la odhan jirey oo dhaawac weyn gaadhay
2) In dib loo yagleelo haykalkii dawladnimo ( State and national institutions)
3) In dawo loo helo hogaan la’aanta ama hoggaan xumada Mashkalada afraad waa sidii loo dhisi lahaa karti inoo sahasha sidii
caalamaka loola yeelan lahaa xidhiidh ku salaysan isqadarin aan quudhsi lahayn. “Haddii xirfadihii aduunku inagu aamini lahaa aan la nimaadno, caalamnku wuu inoo soo joogsan isagoo ina ixtiraamaaya waa ereyada Professor Samatar ku celcesho.
Professor Samatar wuxuu horey u yidhi : wax shisheeye kuu soo kariyo dawo kuuma noqdaan…





