Muuse Biixi oo Hadal ka Jeediyey Jaamacadda George Washington Muxuu Ka hadley? (Akhriso).

0
591

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maanta Khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington University ayaa uu kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya xiriirka caalamiga ah ee Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhexeeya iyo dedaalada horumarineed ee ka socda.

Muuse Biixi ayaa markii uu dhameeyey khudbadiisa su’aalo la xiriira arrimaha Somaliland halkaa ku waydiiyey ardayda dhigata Jaamacadda qaar ka mida oo fursad u helay inay madaxweynaha waydiiyaan, isna uu uga jawaabo su’aalihii ay qabeen.

Waxaa madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey xubnihii ka midka ahaa weftiga intooda badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Deegaanka iyo isbedelka Cilimada, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha iyo Dr. Jaamac Muusse Jaamac.