Faarax Ibaahin Cali oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan qabalaha Farjano ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa 32 qabalo oo Farjano hoos tagta ay ku baaba’een dhamaan duunyadii la dhaqanaayay, haatana ay saameynta abaarta ay ku bilaabatay dadka oo aanan haysan waxay cunaan iyo waxay cabaan intaba, isagoona ugu baaqay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliland Mustafe Muxumed Cumar inuu gurmad deg deg ah soo gaarsiiyo.
Deegaanada ay sida weyn abaartu saameysay ayaa waxaa ka mid ah Kudur, Feydhac, Ceel lahele, Doon, Galka, Ulasan, Baar siyable, Oowxaale, Laas qurun, Laasoole, Madax maroodi, Xudale iyo deegaano kale oo dhamaantood laga soo sheegayo abaaro aad u daran oo saameyay dadka iyo duunyada.
Dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa mudooyinkii dambe waxaa gobolo dhowr ah laga soo sheegaayay abaaro aad u baahsan islamakaana gurmadyo gargaar la gaasiiyay gobolada qaar, waxaana abaarahaani ay imaanayaan xili mudo sanad ka badan dowladda dalka Itoobiya ay dagaalo xoogan kula jirto Jabhada TPLF.












