Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa maanta xiray howlahii Tarminaalka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib markii la sheegay iney isfaham waa dhinaca dhaqaalaha ah uu soo kala dhexgalay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo madaxda shirkada Whitestar Group ee dhistay Tarminaalka Garoonka Ugaas Khaliif.
Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadaha wararka ayaa inoo sheegay in kulan isfaham waa kusoo dhamaaday uu dhexmaray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo madaxa Shirkada dhistay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne Cabdimaalik Xaaji Cabdulle, kaasoo sababay ugu dambeyn in ciidamada madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf dabageed ay jirdil xoogan u geysteen Cabdimaalik Xaaji Cabdulle.
Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka madaxda shirkada dhistay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne oo la xariirta sababta keentay in la xayiro howlahii shaqo ee Tarnimaalka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.











