Guddiga doorashada Heer Fedaraal ayaa soo saaray warsaxafadeed ku saabsan xaalada doorashada iyo jadwalada is badbadalay ee horay usoo baxay, kadib markii ay adkaatay sidii loo qorsheeyay fulinta doorashada dalka.
Jadwalkii ugu dambeeyay ee guddiga doorashada soo saareen waxa uu qorshahiisu ahaa in doorashada Golaha Shacabka la bilaabo 1- bishii Oktober lana soo gabagabeyo20-ka bishan Novembar, mana suurta galin in jadwalkaasi uu dhaqan galo, walow laba Xildhibaan kaliya la doortay mudadaasi dhexdeeda.
Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa waxay ugu baaqeen madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-












