Faahfaahino ka soo ifbaxaya dagaallo ka dhacay tuulabarwaaqo ee udhexeysa degmooyinka garbahaarey iyo degmada beladxaawo ee gobolka gedo.
Dagaalada ayaa si toos ah u dhexmaray xarakada alshabaab iyo culumaaudiinka ahlusunna waljameeca kuwaasi oo guulo ka kala sheegtay dagaalka.
Dagaalkani oo ay labada dhinaca isgu adegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn adag ku yeeshay xaalada tuulada waxaana markaliya cabsi xoogan laga dareemay tuulabarwaaqo oo ay ku dhaqan yihiin dad reer mii ah kuwaasi oo noqday kuwa u nugul dagaalada ka soo cusboonaaday qeyba ka mida gobolka gedo ee gudaha dalka soomaaliya.
Afhayeenka culumaaudiinka ahlusunna waljameeca ee gobolada koonfureed sheikh maxamuud xuseen abu yuusuf alqaadi ayaa waxa uu sheegay in tira ka tirsan xarakada alshabaab ay ku dileen intii uu socday dagaalka.
Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan xarakada alshabaab islamarkaana ay doonayaan in dalka soomaaliya ay ka saran xarakada alshabaab.
Dagaalka ka dhacay tuulabarwaaqo ee gobolka gedo ayaa ku soo aadaya xili dhawaanahani uu sheegay hogaamiyaha xarakada alshabaab muqtaar cabdi raxmaan in ay dagaalo kala duwan ay kula jiraan dhinacyada taabacsan DKMG ah ee soomaaliya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.